Puntland Oo Baaq U Dirtay Dowlada Soomaaliya..

War kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu faah faahiyay shir ku dhexmaray magaalada Garoowe madaxda maamulka Puntland, madaxdii hore ee maamulkaas iyo masuuliyiin xilal horay uga soo qabtay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen  Ra’iisul Wasaarahii hore Cumar Cabdirashiid iyo Axmed Cawad Ciise oo soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Shirka oo laga soo saaray laba qodob ayaa kala ahaa in shacabka reer Puntland looga baahan yahay inay ka shaqeyeen midnimada iyo wadajirka Puntland iyo mid loogu baaqay dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney hakiso talaabooyinka masiiriga ah inta la isaga imaanayo si wadajir ah.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in arrimaha masiiriga ah ee Federaaleynta iyo dhammeystirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya laga wada hadlo, lana hakiyo tillaabooyinka socda inta laysaga imaanayo”ayaa lagi yiri qoraalka lasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Shirkaan ku dhexmaray Magaalada Garoowe madaxda maamulka Puntland, madaxdii hore iyo masuuliyiinta kale ayaa lagu soo hadal qaadin xiisada culus ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xariirta damaca Itoobiya ku dooneyso iney ku boobto qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya.