Puntland oo digniin u dirtay dad ay sheegtay inay abuurayaan falal amni daro

Taliyaha ciidanka booliska gobolka Mudug dhanka maamulka Puntland Axmed Cusmaan Cali ayaa digniin u diray kooxo uu ku sheegay inay wadaan kicin bulsho oo dhalinyarada u adeegsanaya dibadbaxyo rabshado wata oo lagu dhibaateynayo goobaha adeegyada bulshada.

Wuxuu sheegay dadka qaladaadkaasi sameynaya hadii aysan dib isku sixin in si siman wax looga qaban doono, wuxuuna tilmaamay  cidii wax saxeysa inay marto dariiq sax ah.

“Dadka sida qaldan u fakaraya waxaan uga digeynaa inay arrimahaasi ka waantoobaan, dadka wax dilaya ma ahan ajnabi ee dadka gudaha jooga waaye, annaaga marnaba uma dulqaadan doono in la dhibaateeyo shacabka”. ayuu yiri Axmed Cusmaan.

Maamulka isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo ayaa isna iska fogeeyay eedo maalmihii dambe ay qeybaha bulshada u jeedinayeen isbitaalka, kadib markii dhalinyaro dhaawacyo loo geystay aysan helin  adeegyo caafimaad oo dayac ay kala kulmeen isbitaalka ay u geeriyoodeen.

Agaasimaha isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo Maxamed Xuseen ayaa fariin u diray waalidiinta dhalinyaro careysan oo ku soo xoontay isbitaalka, kadib markii dhalinyarada ay qabteen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedeen nin dhalinyaro ah oo lagu dilay Gaalkacyo.

Kulanka laamaha amniga iyo maamulka isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo ayaa yimid ka gadaal markii qaar ka mid ah dhalinyaro ay maalmo is xig xiga qabteen isu soo bax ay kaga soo horjeedeen dhalinyaro iyo cabasho ay ka muujinayeen hawlaha caafimaad ee uu qabto isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo.