Puntland Oo digniin udirtay Ganacsatada Bosaaso

Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa Ciid ku qabsatay marinka gaadiidka ee dekedda magaalada Boosaaso,iyada oo ugu dambeyn dib looga saaray,waxaana Puntland ay uga digtay Ganacsatada waxyaabo sababi karo arrintaan oo kale.

Wasiir kuxigeenka dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ayaa sheegay in baraha Bulshada lagu faafiyay in dekadda Magaalada Boosaaso ay xirantay,hayeeshee warkaasi aan waxka ka jirin,isla markaana dekadda ay si caadi ah u Shaqeyneyso.

Waxaa uu sheegay in howlaha dekadda Magaalada Boosaaso ay sidoodi u socdaan,sidoo kalena Amniga iyo Shaqooyinka dekada ay yihiin kuwo la isku haleen karo.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ayaa waxaa uu ugu baaqay Ganacsatada inay la soo xiriiraan Wasaaradda,isla markaana ay iska daayaan wararka dadka qaarkood ay faafinayaan.