Puntland Oo Edeyn Ujeedisay Dowlada dhexe Ee Somaliya

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulalahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay dhowr jeer dowladda Somaaliya ka codsatay inay ka caawiyaan mashaariic laga fulinayo dekado ku yaalla Magaalooyinka Puntland.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadii ka horeysay ee Cabduweli Maxamed Cali Gaas ay qoraalo u dirtay dowladda Federalka balse aysan kasoo jawaabin sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre uu diiday in uu dhagax-dhigo dekadda deegaanka Garacad ee Gobolka mudug.

Isaga oo sii hadlayay ayuu hadalkiisa intaasi ku daray hadalkiisa in dowladda Federalka Soomaaliya ay sidoo kale diiday inay aqoonsato qeyb weyna ka qaadato maalgelin ay Shirkadda DP World ku sameyneysay Dekadda Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tan iyo markii uu la wareegay talada Maamulkaas waxaa aad u xumaa xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka,isaga oo todobaad walba u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka Eedeyn kala duwan.