Puntland oo gacanta kusoo dhigtay nin muddo la raadinayay oo geystay Dil.

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin muddo la raadinayay oo ku eedaysan dil ka dhacay sanadkii hore degaan ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdi Deeq Khaliif ayaa muddo lagu raadjoogay, ayada oo ugu dambeyntii gacanta lagu soo dhigay, waxaana loo haystaa inuu geystay dilka Xasan Nuur Cabdi kaasi oo bishii Juun 2023 ka dhacay degaanka Xero Jaalle ee degmada Galdogob.

Intii uu baxsadka ka ahaa cadaaladda, ayaa waxa uu ninkan ku dhuumaaleysanayay deegaanada xaduudaha ee u dhaxeeya maamullada Galmudug iyo Puntland iyo DDS, sida uu shaaciyay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland oo maanta qoraal soo saaray.

Puntland iyo Galmudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey iskaashiga ay leeyihiin, si loo adkeeyo nabadda ka jirta deegaanada gobolka Mudug.