Puntland oo kahadashay wada hadal dhexmaray dowladda dhexe iyo Soomaaliland

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor “Gabilay” ayaa maanta sheegay in maamulka Hawada aysan ka wada hadli karin kaliya Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Puntland aysan aqbali doonin wixii kasoo baxa labada dhinac oo ku saabsan wadahallada  Somaliland iyo Soomaaliya oo ku saabsan duulista hawada.

“Hawada Somaliland 10-daqiiqa la dulmaro taan Puntland la dulmaaro 1-sac iyo 28 daqiiqo in la yiraahdo Hawada Soomaaliya waxaa loo goynaya Somaliland waa wax aan soconin, waxaa muhiim ah hawada in si simaan lagu qeyb-saado shirka Jabuuti ka dhacaya ee loo balansan yahay” ayuu yiri Wasiir Gibilay.

Puntland, waxay horey u sheegtay in aysan aqoonsaneyn heshiisyada dhexmaraya DFS & Somaliland.