Maamulka Puntland ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Jubbaland, sidoo kale Puntland waxay bogaadinaysay sida ay u socoto hanaanka Doorasho ee Jubaland.
Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeedda xildhibaanada Cusub ee Jubbaland iyo Hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka maamulka Jubbaland.