Maamul goboleedka Puntland ayaa si deg deg ah uga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay maanta ku dhaqaaqeen xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo si aqlabiyad leh ku meel-mariyay.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay heshiiskii lagu wada joogan wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka sida uu hadalka u dhigay.
Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in la laalaa dastuurkii heshiiska lagu lahaa iyo shuruucdii kale ee dalka
Jawaabta Puntland ayaa timid, saacdo uun, kadib markii maanta xildhibaanada laba gole ay meel mariyeen afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ka ah ee dalka.
Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu baarlamaan Soomaaliyeed qaado muddo 55 sano ah kadib, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.