Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u soo saaray go’aan uu ku mamnuucayo qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka inay sii wadaan howlahooda ka socda deegaannada uu ka arrimiyo, iyadoo maamulka uu sheegay in tallaabadan lagu saleeyay ilaalinta shuruucda, xoojinta isla xisaabtanka iyo habsami u socodka howlaha bani’aadannimo.
War-saxaafadeed uu soo saaray maamulka ayaa lagu sheegay in hay’adaha uu go’aanku quseeyo laga joojiyay dhammaan howlihii ay ka wadeen Puntland, halka hay’adaha kale ee ka howlgala deegaannada maamulka loogu baaqay inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka, nidaamyada iyo habraacyada u dejisan Dowladda Puntland.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in ujeeddada go’aankan ay tahay in la adkeeyo hufnaanta, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha samafalka, si loo hubiyo in mashaariicda iyo adeegyada bani’aadannimo ay si sax ah u gaaraan bulshada loogu talagalay, isla markaana ay waafaqsan yihiin qorshayaasha iyo shuruucda maamulka.
Sidoo kale, maamulka ayaa xusay in hay’adaha ka howlgala Puntland looga baahan yahay wada-shaqeyn dhow oo ay la yeeshaan hay’adaha dowladda, isla markaana ay si joogto ah u soo gudbiyaan warbixinno ku saabsan howlaha ay fulinayaan iyo meelaha ay ka hawlgalaan.
Dhanka kale, hay’adaha ay saameysay go’aankan ayaan weli si rasmi ah uga hadlin, mana jiro war cad oo ay kasoo saareen tallaabada maamulka. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah iyo jawaabo la xiriira mamnuucidda lagu soo rogay.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli qaybo ka mid ah Puntland ay weli ka jiraan baahiyo bani’aadannimo oo la xiriira abaarta, biyo yari, barakac iyo adeegyo bulsho oo xaddidan. Hay’adaha gargaarka ayaa door muhiim ah ka qaata taageeridda bulshada nugul, waxaana la eegayaa saamaynta uu go’aankan ku yeelan doono howlaha bani’aadannimo ee ka socda deegaannada Puntland.