Maamulka Puntland ayaa ku gacan-sayrtay go’aankii shalay ka soo baxay qaar kamid ah isimada Puntland ee ku saabsanaa, in laga noqday amarkii mas’uuliyiinta xukuumadda Federaalka looga mamnuucay Puntland inta ay doorashadu socoto.
War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in aan waxba laga beddelin amarkii wasaaradda Amniga Puntland ay ku mamnuucday, in madaxda iyo shaqaalaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo galaan Puntland mudada lagu jiro doorashada.