Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah xildhibaannada baarlamaanka, gaar ahaan kuwa laga soo doortay maamulkaas.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay kalsoonidii kala noqdeen xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda Puntland, isagoo sheegay in hadda kadib aysan metali karin maamul goboleedka Puntland.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in xildhibaannada laga soo doortay deegaannada Puntland ay mucaarad ku noqdeen maamulkii ay kasoo jeedeen, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkan ayaa jawaab ah hadal horay uga soo yeeray qaar kamid ah xildhibaannada laga soo doortay Puntland oo iyagu sheegay inay maamulka Garoowe ku metalaan dowladda dhexe, ayna kala xaajoonayaan danaha iyo horumarka maamulkaasi.
Horay Puntland ayaa ugu dhawaaqday inay gebi ahaan kalsoondii kala noqotay dowladda dhexe, sababo la xiriira wax ka beddealka dastuurka KMG ah ee lagu dhaqaaqay.