Puntland oo Samaynaysa Arin Aysan Dowlad Goboleedyadu Horay U Samayn.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa markii u horraysay golihiisa xukuumaddiisa ku soo daraya mas’uul ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xog lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Deni uu hal wasiiru-dowle u magacaabayo dadka ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku sugan Puntland.

Weli ma cadda shakhsiga loo magacaabayo xilkan, balse keliya waxa la xaqiijiyay in madaxweynaha uu wasiiru-dowle siinayo dadka reer Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Puntland.

Waxa la rumaysan yahay in uu magacaabistan u samaynayo si uu codad uga helo xildhibaannada Koonfur Galbeed laga soo dooran doono doorashada 2026.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa saameyn xooggan ku leh doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya ee inta badan ay ku loolamaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Hawiye iyo Daarood, waxaana inta badan xilka hela dhinaca ay raacaan.

Si kastaba ma cadda haddii isku dayga siyaasadeed ee Deni uu ka gadmi doono Reer Koonfur Galbeed.