Puntland Oo sheegtay in Ay Qadayaan dagaal kadhan ah somaliland

Guddiga Amniga maamulka Puntland ayaa kulan ay maanta  ku yeesheen Magaalada Garowe kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Maamulka Somaliland.

Guddiga Amniga Puntland waxa ay sheegeen in aysan qaadeyn wax aan ka aheyn in Somaliland ay ka baxdo gobolka Sool.

Waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan dagaalka degaanka Tukaraq, Maadaama Somaliland ay heysto dhul ay leedahay Puntland sidda ay sheegeen Guddiga.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdulaahi Timacadde, oo ka mid ah guddiga difaaca ayaa sheegay madaxweynaha  Puntland uu bixiyay amar ku saabsan in lasoo xiro xuduudaha Puntland islamarkaana ciidamadu u diyaar garoobaan xoraynta Sool.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa beesha caalamka u sheegay inaanay Puntland qaadanayn wax aan ka ahayn in la xoreeyo gobolka Sool.