Puntland oo soo bandhigtay Kartooman ay ku jiraan Baco kuwaas oo ay ka mamnuuceen deegaanadooda.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada maamul gobaleedka Puntland ayaa soo bandhigtay Kartooman ay ku jiraan Baco oo ay Wasaaraddu ku sheegtay in ay halis ku yihiin deegaanka iyo bulshada ku dhaqan deegaannada maamulkaas.

Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay deegaanka Laacdhere ku qabteen gaari siday Baco, iyada oo soo bandhigeen xilli uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Wasiirka Wasaradda Deegaanka Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ay weheliyaan Booliska ayaa fariin adag u diray dadka ka ganacsada bacaha, kuwa soo dhoofiya iyo kuwa iibiyaba, xilli Wasiirka uu sheegay in bacuhu halis ku yihiin deegaanka iyo bulshadaba, isaga oo Booliska faray in ay talaabo sharciya ka qaadaan cidwalba oo lagu qabto wax waxyeelaya Deegaanka.

Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya xilli Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo rogtay go’aan mamnuuca in dalka la keeno Bacaha oo Wasaaraddu ku sheegtay in deegaanka ay halis ku yihiin.