Puntland oo tababar u soo xiray Ciidamo Cusub

Madaxwayne Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Daeni oo uu wehliyo Wasiir Amniga Cabdi Samad Galan ayaa waxaa uu tababar ugu soo xiray Ciidan isku dhaf Xerada tababarada Xorgoble ee duleedka Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar.

Ciidamadan oo tiro ahaan gaaraya 300 oo askari ayaa muddo dhowr bilood ah waxaa ay tababar ku qaadanayeen xerada Xorgoble,iyada oo ciidamadaasi la sheegay inay fulin doonaan howlgallo kala duwan.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Ciidamada u sheegay inay yihiin kuwo laga doonayo inay doormuuqda ka qaataan amniga deegaannada Puntland,isla markaana waxyaabihii ay barteen ay Shacabkooda ugu adeegaan.

“Waxaad tihiin Ciidamo qeyb ka noqon doona howlgallada socda,intii aad tababarka ku jirteen dadaal farabadan ayaan idinku bixineynay,waadna heli doontaan xaquuqdiin,idinkana waxaad qabataan waxkasta oo la idiin diro ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa  ugu yeeray Somaliland in ay ka baxdo dhulka Puntland ee ay haysto,xilli dhammaadkii sannadkii hore sheegay in ay wada hadal kala galayaan dhulkaas Somaliland.

“Somaliland waxan ugu baaqayaa in ay dhulka Puntland ee ay joogto si nabad ah uga baxdo” ayuu yiri” Madaxweynaha Puntland.