Puntland Oo U Digtay Musharixiinta Madaxweynaha Maamulkaas

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa la filayaa inay ka dhacdo doorasho 2019,waxaana halkaasi gaaraya maalmihii lasoo dhaafay musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo dhaweynayan Musharaxiinta kala duwan ee soo gaaraya puntland ,isla markaana amnigooda uu maamulka puntland ay mas’uul ka yahay.

Wasiir Qarjab ayaa tilmaamay in marnaba Puntland ogolaan doonin hub culus iyo Gaadiidka dagaalka oo fowdo iyo rabsahda abuuri kara in magalada lala soo galo,isaga oo uga digay musharixiinta.

Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa tilmaamay inay Puntland ay difaac uga jirto Al-shabaab iyo ururka Daacish,isla markaana looga baahan yahay in laga wada qeyb qaato sidii looga hortigi lahaa weerada ka imaada dhacyadaasi oo aan lagu Mashquulin doorashada.