Puntland oo xukuno ku riday xubno katirsan daacish.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan oo xabsi ku ah ridday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu helay inay qaraxyada u kala gudbin jireen kooxda.

Xubnahan oo oo isugu jiro rag iyo dumar ayaa ka kooban 6 qof, waxaana xukunkooda uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Afar kamid ah xukunsanayaasha ayaa lagu riday min 10 sano oo xabsi ciidan ah, kuwaas oo kala ah Cabdirisaaq Maxamed Shire, Siciid Faarax Cabdiqaadir, Farxaan Weyrax Lixad iyo Cabdiqani Cali Faarax.

Maxkamadda ayaa soo bandhigtay caddeymo muujinaya dambiga lagu helay xubnahan, oo intooda qiraal ka sameeyay dacwadda lagu soo oogay.

Horay Puntland ayaa sidan oo kale xukuno ugu ridday xubno ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo gacan galay ciidamadeeda,kuwaas oo qaarkood toogasho lagu fuliyay.