Dadweynaha Gobolka Banaadir oo Maanta Loo Furay Qaadashada Kaarka Codbixinta.

Muqdisho – Maanta oo Jimco ah ayaa dadweynaha ku nool Degmooyinka Gobolka Banaadir loo furay fursad ay ku qaadanayaan kaarka codbixinta, iyadoo hawshaasi ay si habsami leh uga socoto dhammaan goobaha loo asteeyay.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo maalmahan ku mashquulsanaa howlahooda gaarka ah ayaa loogu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursaddan, islamarkaana ay tagaan xarumaha ay ka socoto bixinta kaararka codbixinta.

Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo la qorsheeyay inay dhacdo 25-ka bishan, ayaa la filayaa in ay ka qeyb qaataan dadweyne tiro badan oo ku dhaqan caasimadda, si ay u doortaan xubnaha ka mid noqonaya maamulada degmooyinka gobolka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in qof aan haysan kaarka codbixinta uusan xaq u yeelan doonin ka qeybgalka codbixinta maalinta doorashada, taasoo muujinaysa muhiimadda ay leedahay in muwaadiniintu kaarkooda si degdeg ah u qaataan.