Qaar ka mid ah Isgoysyadda Muqdisho oo saaka furan

Inta badan Isgoysyada muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa saaka laga qaaday Ciidamadii ka tirsanaa xasilinta ee Bilihii ugu dambeeyay ee halkaasi ku sugnaa.

Isgoysyadda Warshaddaha, Howlwadaag, Sheekh Cali Suufi, Sanco iyo Afarta Jardiino ayaa saakay waxaa ka guuray Ciidamadii halkaasi ku sugnaa.

Gawaaridda Saadka Ciidamada ayaa dhammaan qaaday agabkii ciidamada iyo Askartii halkaasi ku sugnaa.

U jeedka ugu weyn ee laga leeyahay ayaa waxa ay tahay sidda ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda dhaqangelinta Amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in la furo wadooyinka xiran.

Waxaa Muuqata in la furay wadooyinka waa weyn ee Muqdisho laakiin waxaa wali xiran Luuqyadda iyo Jidcadayeesha Muqdisho oo ay dadka Shacabka ah dhiban ku qabaan.