Qaar ka mid Wadooyinka Muqdisho oo xiran

Qaar ka mid Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran, iyadoona Amniga Magaalada ay si weyn u adkeeyeen ciidamada Ammaanka.

Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Banaadir iyo howlwadaag ayaa xiran iyadoona halkaasi lagu daadiyay ciidamo dheeraad ah.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa warbaahinta  u sheegay in sidoo kale maanta xiran yahay Jidka Makah Almukaramah.

Waxaa sidoo kale Howlgallo ka socdaan qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa maanta si ka duwan sidii hore gaadiidka u baaraya.