Qaar kamid ah Ciidamada Itoobiya Oo laga daad gureynayo Somaaliya

Qaar kamid ah Ciidamada Itoobiya ee ka tirsanaa Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dib ugu laabtay dalkooda,iyada oo lagu soo dhaweeyay Xarunta degmada Doolow-Cade ee Magaalada Doolow ee Gobalka liibaan ee deegaanka Soomaalida.

Ciidamadaan oo ka tirsanaa guutada Qilfat ayaa waxaa ay ka howlgelayeen nawaaxiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay, hayeeshee la sheegay inay dhameysteen howlgalkooda sidaasina dib loogu celiyay.

Munaasabad lagu soo dhaweeyay Ciidamadaas ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ku leedahay Magaalada Doolow, waxaana ka qeyb galay Taliyaha guud ee Taliska bari ee Ciidamada difaaca Itoobiya Major jeneraal zewdu Belay,waxaana uu sheegay in Cutubyadan Ciidamada itoobiya ee AMISOM katirsanaa ay yihiin geesiyiin fashiliyey iskudayo aad u badan oo ay Al-Shabaab labeegsanayeen Ciidamadooda iyo dad Shacab ah.

Sidookale Major jeneraal Zewdu Belay ayaa Ciidamadaas ee iyo guud ahaanba Ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya uga mahadceliyey Talaabooyinka la xireiira Amniga oo ay Soomaaliya ka qabteen iyo khasaaro uu sheegay inay gaarsiiyeen Xubnaha Al-Shabaab ee ka dagaalama Gudaha Soomaaliya.

Ciidamadaan Itoobiyanka ah kana tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOm kana howlgalayay Gobolka Baay ayaa waxaa bedelay Ciidamo kale,kuwaas oo dhawaan laga keenay dalkaasi Itoobiya si ay u buuxiyaan booskii ay baneeyeen,waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay joogaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM.