Qaar kamid ah Darawalada Mootobajaajta oo ka Cabanaya Jidcadayaasha Bacadka ah ee Dagmada Guriceel.
Mootada looyaqaano Bajaajta ayaa waxaa maalmihii danbe ay ku Soo badanayeen dagmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Mooto Bajaajta ayaa gaabis galisay isticmaalka gadiidkii ay dadku Raacijireen balse haatan bedelkeeda ay dadku isticmaalaan Mootadaasi looyaqaano Bajaajta oo dadku ay ku doorbidayaan Lacag yari
Qaar kamid ah Darawalada Mooto Bajaajta oo lahadlay RADIOGALGADUUDÂ ayaa waxay ka cabanayaan wadooyinka Dagmada waxayna sheegeen in Bacaadku uu ku badanyahay Wadooyinkaas.
Dhanka kale darawalada mootadaasi ayaa waxay baaq ku aadan Dhismaha jid cadayaashaasi waxa ay u direen maamulka dagmada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug,
Warbixintaani waxaa inooga diyaarshay wariyahaÂ
Radiogalgaduud Cabdinuur Faarax Xassan
hoos ka dhagayso codka