DHAGAYSO:Qaar kamid ah Darawalada Mootobajaajta ee dagmada guriceel oo ka Cabanaya Jidcadayaasha Bacadka ah.

Qaar kamid ah Darawalada Mootobajaajta oo ka Cabanaya Jidcadayaasha Bacadka ah ee Dagmada Guriceel.

Mootada looyaqaano Bajaajta ayaa waxaa maalmihii danbe ay ku Soo badanayeen  dagmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Mooto Bajaajta ayaa gaabis galisay isticmaalka gadiidkii ay dadku Raacijireen balse haatan bedelkeeda ay dadku isticmaalaan Mootadaasi looyaqaano Bajaajta oo dadku ay ku doorbidayaan Lacag yari

Qaar kamid ah Darawalada Mooto Bajaajta oo lahadlay RADIOGALGADUUD  ayaa waxay ka cabanayaan wadooyinka Dagmada waxayna sheegeen in Bacaadku uu ku badanyahay Wadooyinkaas.

Dhanka kale darawalada mootadaasi ayaa waxay baaq ku aadan Dhismaha jid cadayaashaasi waxa ay u direen maamulka dagmada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug,

Warbixintaani waxaa inooga diyaarshay wariyaha 
Radiogalgaduud Cabdinuur Faarax Xassan

hoos ka dhagayso codka