Qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Saaka Xiran

Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa Saakay Xiran, waxaana lasoo dhigay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Isgoysyadda Taleex, Soobe,Banaadir, Howlwadaag iyo sidoo kale Wadooyin kale oo Muhiim ah ayaa Saaka xiran sida ay warbaahinta  u sheegeen dadka degaanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Wadooyinka ku jaray Gawaarida Ciidamada.

Qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka Wadooyinka ayaa Saakay kusoo baraarugay Marka ay shaqooyinkooda usoo kaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal-degaya sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda, iyadoona munaasabad lagu weynayo maalintaasi qaban-qaabadeedu ka socoto magaalada Muqdisho, waana sababta loo xiray Wadooyinka Muqdisho.