Qaar Kamida Wadooyinka Muqdisho oo Saaka dib u furmay

Waxaa Saakay inta badan dib u furmay Wadooyinka Magaalada Muqdisho, kuwaa soo la xiray maalmihii lasoo dhaafay.

Muddo Saddex maalmood ah ayay xirnaayeen qaar ka mid ah Igoysyadda ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, iyadoona Saakay dib loo furay.

Qaar ka mid ah wadayaasha Gaadiidka ayaa u xaqiijiyay warfidiyeenka  in saakay loo ogolaaday in ay maraan wadooyinka, islamarkaana la qaaday qadkii cagaarnaa.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa shalay sheegay in Magaalada Muqdisho loo kala qeybiyay labo qeybooda, islamarkaana ay ku qabaan dhibaato culus.

Ciidamada Ammaanka ayaa si weyn adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho ka dib markii ay qaraxyo iyo Weerro toos ah ay ku qaadeen Al-Shabaab xarumo ku yaalla Muqdisho.