Qaar kamida Xildhibaanada Oo kadigay Sameyn Kadhalan Karta Jarista Dhirta

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka soomaaliya ayaa ka digay saameynta ay soomaalia ku yeelan karto xaalufinta dhirta.

Xildhibaanadaan ayaa walaac xoogan ka muujiyay halista ka dhalan karta hadii dhirta oo dhami la xaalufiyo oo aanan laga fikirin waxa ka dhalan kara.

Waxa ay sheegeen in abaar xoogan ay ugu dambeyn ka dhalan karto hadii la xaalufiyo dhirta oo dhuxul laga dhigo ama siyaabo kale loo jaro, waxa ayna dadka ka ganacsada xaalufinta dhirta ugu baaqeyn in ay joojiyaan xaalufinta nuucyada kala duwan ee dhirta.

Hadalka xildhibaanada ayaa kusoo aadaya xili laga digayo in soomaaliya abaar xoogan ku dhufato.