Qaar kamidda Masuuliyiinta ka qeyb galaya shirka wadatashiga oo kulan hordhaca caawa kusii yeeshay Mogdisho

Qaar kamid ah Masuuliyiinta iyo Madaxda ka qeyb galaysa shirka wadatashiga ah oo Mogdisho ka furmi doona berito,  waxa ay Caawa yeesheen kulan hordhac ah.

Masuuliyiintaan kulmay waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarayaashii hore Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo Wasiirkii hore Waxbarashada Dr. Cabdinur, Ayey Kulankooda uga arrinsanayaan ajandayaasha ay maalinta berri la hortagi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo martigelin doono shir wadatashi oo Mas’uuliyiintan hore la yeelan doono oo uu kala hadli doono go’aanadii bishii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ku saabsan hannaanka doorashada.

Mas’uuliyiintan oo maanta badankood soo gaaray Muqdisho ayaa horay uga soo horjeestay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran, waxaana ay soo ajiibeen martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqda mid durba bilaabay inuu xilli hore furay saaxada siyaasadda iyo albaabada wada tashiga arrimaha masiiriga u ah dalka.

ugu dambeyn kulkooda waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh maxamuud Casuumaada Shirkaan iyo latashiga uu la sameynayo Madaxdii kala duwaneyd ee soomartay Qaranka.