Diyaar Garowga Shirka Madaxda Maamul goboleedyadda oo ka socota Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed ayaa laga dareemaya qaban qaabadda iyo soo dhaweynta Madaxda maamul goboleedyadda oo ku wajahan Magaaladaasi.

Waxaa lagu waddaa in uu halkaasi uu ka furmo dhawaan Shirka Madaxda maamul goboleeyadda.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxa Magaalada maanta ku wajahan qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyadda.

 Shirkaan ayaa lagu waddaa in looga hadlo qodobo badan oo ku saabsan Siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa uu noqon doona Shirkii Labaad ee ay yeeshaan Madaxda dowlad goboleedyadda oo ku mideysan dalladda Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda.

Kulankaan ayaa imaanaya ,iyadoo maalmihii lasoo dhaafay hadallo Xanaf leh ay dowladda Soomaaliya hawadda Marinaayeen qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyadda.