Qaban Qaabada Soo Dhawaynta Madaxweynaha Dalka oo laga Dareemaayo Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaa halkaas ka socda qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo wafdigiisa.

Wasiiro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa saacidihii u dambeeyay gaaray Magaalada Maxaas ee dhacda Bariga Gobolka Hiiraan

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor  hore sii shaaciyay in safarkiisa Gobolka Hiiraan uu daaran yahay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si loosoo gabagabeeyo wajiga kobaad ee howlgalladaas waa sida uu hadalka u dhigay.

Diyaargarow xooggan oo lagu soo dhaweynayo wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka socda Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaa la filayaa Madaxweyne Xasan in uu safar ku tago deegaanno kale oo katirsan Gobolkaas.

 

Madaxweynaha ayaa mudooyinkii u Danbeeyay ku Sugnaa Magaalada Dhusmareeb ee caasimada Galmudug halkaasi uu kaha gaayay dagaalka kadhankaa kooxda AS ee Gobolka Galgaduud