Qabanqaabada Aaska Eng. Yariisow Oo Ka Socota Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka socota Qabanqaabadii ugu dambeysay ee Aaska loo sameeynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo ku geeriyooday Magaalada Doxa ee Dalka Qatar.

Aaska Eng. Yariisow ayaa waxaa loo xilsaaray Guddi ka kooban 14 Xubnood, isuguna jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo maamulka Gobolka Banaadir,isla markaana waxaa Guddoomiye loo dhigay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Guddiga ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo saacad kadib laga soo dejin doono Meydka Allaha u Naxariistee, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo laga keenayo Magaalada Doxa.

Madaxda ugu Sarreeya dowladda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa  ka qeyb geli doona Aaska Qaran ee loo sameeynayo Duqii Muqdisho.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kusoo wajahan yahay Muqdisho,kadib markii muddo ku dhow Bil iyo bar uu ku sugnaa deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu ka qeyb geli doonaa Aaska Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana la xiray inta badan Wadooyinka Magaalada,iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda.