Qanyare oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho  waxaa goor dhow ku geeriyooday  Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwooda sidda weyn looga yaqaano Soomaaliya.

Qanyare ayaa horay usoo noqday Xildhibaan, Wasiir, waxaana uu mar ka mid ahaa xubnihii dagaalka kula jiray Maxaakiimta.

Qanyare ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyay uu ku xanuusanayay, waxaana xilligaan uu ahaa nin ka baxay Siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana ka shaqeyn jiray Arrimaha dib u heshiisiinta.