Qaramada Midoobay oo Eedeyn Culus u Jeedisay Imaaraatka Carabta kadib Baaritaanno Hub La Dhoofiyay Sharci Darro Ah.

Warbixin cusub oo ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa si cad ugu eedeysay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) in ay hub militari oo horay uga soo iibsaday Boqortooyada Ingiriiska si sharci darro ah ugu suuq geysay dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Liibiya.

Baarayaal ka tirsan QM oo muddooyinkii dambe dabagal ku hayay dhaq-dhaqaaqyada hubka ee gobolka ayaa sheegay in caddeymo muuqda ay u heleen gaadiid militari oo Imaaraatku helay iyada oo munaasabad rasmi ah loogu wareejiyay, haddana lagu arkay dalal aanay u marin hab sharci ah.
Warbixinta ayaa si gaar ah u xustay in gaadiid nooca “Nimr Ajban” ah laga helay xarun ay Kooxda RSF ku leedahay gudaha Suudaan.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey ugu wareejisay Imaaraatka qalab militari oo u badan gaadiid gaashaaman, hase yeeshee, warbixinta ayaa muujineysa in qaarkood lagu arkay dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Suudaan iyo Liibiya – taasoo khilaafsan heshiisyada caalamiga ah ee xakamaynta hubka.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya, inkasta oo laga qaaday cunaqabatayntii hubka 2023 (qaraarka 2713), haddana wali ay jirto kormeer gaar ah oo la xiriira sida hubka loo xakameynayo gudaha dalka.

Warbixinta UN-ka ayaa sidoo kale iftiimisay meelaha uu Imaaraatka si gaar ah ugu xooggan yahay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Boosaaso (Puntland) iyo Berbera (Somaliland). Waxaa la sheegay in sawirro dayax-gacmeed lagu arkay saldhigyo ciidan oo Imaaraatka uu halkaas ka hirgaliyay isagoo aan fasax uga haysan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Suudaan, bishii May ee sanadkaan, waxay Imaaraatka ku eedeysay in uu si toos ah u taageero kooxda RSF, isagoo hubkaas iyo kaalmo militari u marsiiyo waddamo kale. Xukuumadda Abu Dhabi ayaa si cad u beenisay eedeymahaasi.
Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii Agoosto 2025, si rasmi ah u beenisay warar la xiriiray booqashooyin siyaasadeed oo ay sameeyeen wufuud ka socotay Suudaan iyo Imaaraatka, iyadoo sheegtay in xiriiradaasi aanay wax raad siyaasadeed ah ku lahayn gudaha dalka.

Ugu dambeyn, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay tirakoob naxdin leh oo muujinaya in dagaalka ka socda Suudaan uu sababay dhimashada in ka badan 150,000 qof, halka 12 milyan kalena ay ku barakaceen gudaha dalka.