Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Puntland kadib booqasho ay ku tegtay Garoowe.
Catriona Laing ayaa la kulantay madaxweyne Saciid Deni, ayada oo kala hadashay sidii uu u furi lahaa wada-hadal uu la galo dowladda, si xal looga gaaro khilaafka dhexdooda ah.
Inta uu kulanka socday ayaa waxaa sidoo kale la’isla soo hadal qaaday arrinta dastuurka oo ah midda dhalisay xiisada u dhexeysa labada dhinac, kana carootay Puntland.
“Iyada oo sii wadda kulamada sagootinta ah oo ay la qaadaneysay madaxda Soomaaliyeed, ayey Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay Catriona Laing maanta booqatay Garoowe, halkaas oo ay kula kulantay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Deni iyo golahiisa wasiirada, iyagoo ka wadahadlay taageerada Qaramada Midoobay ee dhinaca horumarka iyo baahida loo qabo wada-hadal loo dhan yahay oo dhex mara DFS iyo Puntland oo ku aaddan hannaanka dastuurka Soomaaliya ee hadda socda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UNSOM.
Dhinaca kale waxay Puntland iyo QM ka wada-hadleen arrimaha hortabinta leh oo ay ugu horreeyaan qorshayaasha horumarinta iyo sidii looga wada shaqey lahaa labada dhinac.