Qaramada Midoobay oo sheegtay in Daadadka cusub ee Soomaaliya ay saamayn taban ku reebeen.

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay oo soo xiganaysa Hay’adaha u qaabilsan dhinaca Bani aadamnimada waxa ay ku shaacisay saamaynta taban ee laga dhaxlay daadadka cusub ee ka dhashay roobka Guga ee dhowaan curtay.

Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay in Dad gaaraya 770,000 laga diiwaangeliyay goobaha ilaa hadda laga soo calaamadeeyay saamaynta taban ee Daadadka roobka iyada oo laga cabsi qabo in waxyeelladu ay kasoo badan karto intaas.

Dadkaas waxa ay ku sugan yihiin 22 Degmo oo intooda badan kulaala Webiyada Shabeelle, Jubba iyo Daawo, marka laga tusaale qaato saan-saanta roobka waa suuragal in degmooyin horleh uu saamayn karo.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ayaa dhowaan soosaartay digniin xooggan oo muujinaysa in loo baahan yahay in feejignaan wayn laga galo daadadka roobka iyo fatahaadda webiyada Dalka mara ay gaysan karaan.