Qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujisay kororka tirada dhallinyarada tahriibka u maraysa dalka Liibiya.

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay kororka tirada dhallinyarada tahriibka u maraysa dalka Liibiya, kuwaas oo halis weyn la kulma inta ay ku jiraan safarka badda ee ay ku doonayaan inay kaga gudbaan Mediterranean-ka si ay u gaaraan Yurub.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in maalmahan dambe si gaar ah loo arkayo koror ku yimid tahriibayaasha badda mariya, iyadoo baddu ay haatan kacsan tahay, taasoo khataro dheeraad ah keentay.

Hay’addu waxay xustay in weli lagu raad joogo dad badan oo la la’yahay, kuwaas oo saarnaa dooni ku degtay badda kadib markii ay ka baxeen Liibiya, kuna wajahnaayeen Talyaaniga. Qaar badan oo ka mid ahaa dadkaas waxay kasoo jeedeen waddamo Afrika ah, ay ku jiraan Soomaali u badan dhallinyaro.

IOM waxay ugu baaqday dalalka ay arrintu khuseyso in ay iska kaashadaan sidii loo joojin lahaa tahriibka halista ah, waxayna xustay in haddii xal laga waayo, qatartu sii socon doonto.