Qaramada Miidobay oo Markale Ka Hadashay Xiisada Soomaliya iyo Itoobiya.

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ugu baaqay  dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya inay wada xaajood ka yeeshaan muranka heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Maamulka  Sooomaaliland.

Heshiiskan is-afgaradka ah ayay Itoobiya ku heleysaa inay isticmaasho Badda Cas, halka ay Soomaaliland taa beddelkeed heleyso Ictitiraaf.

“Waxaa mar walba ina haga qawaaniin qawaaniinteennuna waxay la xiriiraan midnimo, geyiga iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalalka, oo ay ku jirto Soomaaliya,” ayuu Guterres ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay halka uu ka dhacayay shirka dalalka G77 plus China ee caasimadda Uganda ee Kampala lagu qabtay.

Xiisadda Geeska Afrika ayaa sare u kacday tan iyo heshiiskaas ay gaareen Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo Madaxweynaha  Maamulka Soomaaliland kaas oo dhacay 1-dii bishan January.