Qarax Ay kudhinteen 24 Qof Oo Kadhacay Masjid Kuyaala Dalka Nigeria

ugu yaraan 24 qof ayaa dhimatay kaddib markii qof xiran suunka waxyaabaha qarxa uu gartamaha ka galay masajaid lagu dukanayay oo ku yaalla Dalka Nigeria.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay Magaalada Mubi ee Gobolka Adamawa,waxaana geystay wiil dhallinyaro ah oo Masaajidka galay markii ay dadka salaadda xirteen kaddib.

Abdullahi Yerima,waa madaxa Booliska Gobolka Adamawa,ayaa sheegay in labo qarax ay Talaadadii ka dhaceen Gobolka,mid lala beegsaday Suuq ay dadka ku badanyihiin iyo mid lala beegsaday Masaajidka.

Qof ka mid ah dadka Magaalada Mubi ,ayaa sheegay in isaga oo ka baxaya Gurigiisa oo u socda Masaajidka uu arkay wiil dhallinyaro ah kaddibna isku qarxiyay Jameecada dhexdeeda.

Waxaa uu xusay in Saqafka Masaajidka uu hawada galay,qarax weyna halkaas ka dhacay kaas oo ay ku dhinteen dad aad u badan oo ka mid ahaa jameecadii Masaajidka.

Labo goobjooge oo la hadlay AFP ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka badanyihiin 60 Qof dowladduna qarineyso waxa halkaas ka dhacay.

Ma jiro cid sheegatay ilaa hadda hayeeshee mas’uuliyiinta gobolka ee dowladda ayaa ku eedeeyay Boko Haram oo qeyb ka mid ah Gobolkaas maamusha.