Qarax Dad Ay Ku Dhinteyn Oo Ka Dhacay Dalka Liibiya

Laamaha ammaanka Dalka Liibiya ayaa sheegay inay Siddeed Qof ku dhinteen Gaari ku qarxay goob baaritaan oo  ku dhow Magaalada Ajdabiya ee Dalka Liibiya, halkaasoo ay ku xooggan yihiin Ciidamo daacad u ah taliyaha Miiliteriga Dalka Liibiya, Khalifa Haftar.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Dadka halkaasi ku dhinta Lix ka mid ihi ay ahaayeen Askar, halka labada kalena ay ahaayeen Dad Rayid ah, iyadoo sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo aan tiradooda la cayimin.

9-kii March ayay ahayd markii sidan oo kale uu isla Magaaladaasi ku qarxay gaari ay la socdeen Ciidamo, waxaana ku dhaawacmay Saddex Askari, iyadoo weerarkaasina ay masuuliyaddiisu sheegatay Daacish.

Tan iyo 2011-kii markii meesha laga saaray xukunkii Mucamar Al-Qadaafi, ayaa waxa uu Dalka Liibiya cagaha la galay rabshado iyo kala dambayn la’aan, waxaana inta badan awoodda degaannada Dalkaasi Gacanta ku haya kooxo Hubeysan oo aan cidina ka ammar qaadan