Qarax gaari loo Adeegsaday Oo kadhacay Magaalada Muqdiaho

Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Sidda ay warbaahinta  u xaqiijiyeen goobjoogayaal gaariga ayaa ku qarxay Isgoyska Kaawo Godey oo aheyd meel aad u Mashquul badan oo ay ku sugnaayeen dadweyne aad u fara badan.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxa, waxaana hadda socda gurmad loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado soo gaartay.