Qarax Gaari loo Adeegsaday Oo Kadhacay Muqdisho

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana la sheegay In uu ka dhacay maqaada the Village oo ku taalla inta u dhaxeysa Digfeer iyo Banaadir.

Wararka ay warbaahinta heyleyso ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay baakinka gawaarida la dhigto ee maqaayada the Village

.Khasaaro ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay qaraxaas,hayeeshee Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xiray Wadada soo gasha Maqaayada,waxana sidoo kale goobta gaaray Gawaarida Gurmadka deg dega ee Ambulance.