Qarax Gaari Oo Goordhow Ka Dhacay Magalada Muqdisho

Jugta qarax xooggan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay gudaha Magaalada Muqdisho,qaraxaas oo la sheegayo in uu ka dhacay Wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo uuradiisa inta badan laga arkay degmooyinka Gobolka Banaadir,ayaa la sheegaya in uu yahay Gaari laga soo buuxiyay waxayaabaha qarxa in uu ku qarxay meel ku dhow Albaabka hotelka Wehliye oo saaran Wadada Maka Almukarama

Qaraxa ayaa geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo u badan dad ku ganacsanayay Goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaliya kuwaas oo xiray Goobta qaraxa ka dhacay

WIXII SOO KORDHA INALASOCO