Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku dhaawacantay ka dib markii Maanta Qarax lagu xiray gaari uu watay qof la sheegay in uu ka mid ahaa dadka degaanka uu ka dhacay Isgoyska Siinay ee Muqdisho.

Sidda ay warbaahinta  u xaqiijiyeen dad ku sugan Isgoyska Siinay Sadexda qof ee dhaawacmay labo ka mid ah waxa ay ahaayeen dad wada maraayay, halka qof kalena uu saarnaa gaariga qarxay.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin ruuxa watay gaariga qaraxa lagu xiray  waxa uu qaban jiray iyo Cidda uu ka tirsanaa.

Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada Miini baarista iyo Ciidamo kale oo hubeysan, kuwaasi oo dhaawac ahaan goobta uga qaaday ruuxigii gaariga watay iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaanada la xiriira Qaraxa.