Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Muqdisho

  • wararka warbaahinta ka helayso xaafada Saybiyaano ee Degmada Hodan ee gobolka banadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax lagu xiray gaari noociisa uu yahay Kaarib.

Qaraxan ayaa lagu xiray sida wararku sheegayaan gaari noociisa uu yahay Kaarib ay isticmaalaan Ciidamada Booliska, waxaana halkaasi ku dhintay Darawalkii waday gaariga.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay gaariga inuu ku shaqeynaayay Taliyaha Ciidamada Booliska ee qaabilsan Beerta Jaadka oo ah goobta Jaadka lagu soo dajiyo Muqdisho.

Sarkaalka ku shaqeynaayay gaarigaan ayaa la sheegay inuusan saarnayn, balse darawalkii waday gaariga ayaa ku dhintay, kadib qaraxa lagu xiray.

Al Shabaab ayaa gaadiidka ay isticmaalaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ku xira qaraxyada noocaan oo kale ah.