Qarax gaari Oo kadhacy goob gawaarida Laga raaco Magaalada Muqdisho

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay Goob koontorool ah oo lagu baaro Gawaarida oo ku taalla agagaarka Isgoska km4 wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho,waxana uu ahaa nooca gawaarida lagu dhejiyo.

Goobjogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in, iyada oo baaritaano lagu haayo Gawaarida aada Garoonka uu gaariga qarxay,isla markaan auu ku geeriyooday Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Amiin) oo ahaa Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir,xilligii Maamulka Muungaab & Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.


Waa qarixii labaad ee Maanta ka dhaca Magalada Muqdisho,waxaana Maanta barqadii miino nooca dhulka lagu aaso ah ay ku qaraxday Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya agagaarka Carwadii hore ee Taleex degmada Hodan gobolkan Banaadir.