Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo faah faahin laga helay

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xerada Ciidamada  Kuliyadda Jaalle Siyaad ee ku taalla Wadada Warshadaha ee Magaalada muqdisho, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Nin isku soo xiray waxyaabaha qaraxa uu isku qarxiyay ciidamo isku dhaf ah oo lagu xareenayay xerada ciidamada ku xareesan yihiin ee Kuliyaddii hore ee Jaalle Siyaad si ay uga mid noqdaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa, kaas oo gaaray qaar kamid ah ciidamadii Xerada lagu xareeynayay iyo dad Shacab ah, waxaana Goobta gaaray Ciidamo katirsan dowladda, kuwaas oo xiray dhammaan waddooyinka gala Xerada.

Wararka kusoo kordha qaraxa halkan kala socda