Qarax Ismiidaamin oo Ka Dhacay Dalka Pakistan.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 30 kalena waa ku dhaawacmeen kadib qarax gaari oo xooggan oo Talaadadii ka dhacay afaafka hore ee xarunta ciidamada ilaalada xuduudaha Pakistan.

Qaraxa, oo ka dhacay meel u dhow Zarghoon Road, ayaa waxaa si toos ah xigay rasaas culus, sida ay xaqiijiyeen saraakiil deegaanka ah. Wasiirka caafimaadka gobolka, Bakht Muhammad Kakar, ayaa sheegay in labo kamid ah dadka dhintay ay ahaayeen askar, halka dadka kale ee geeriyooday ay yihiin rayid.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey gaari u socday dhanka xarunta ciidamada kahor inta uusan qarxin daqiiqado gudahood.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in weerarku ahaa mid ismiidaamin ah, isla markaana la toogtay xubno kale oo la socday weeraryahanka.

Madaxweynaha Pakistan, Asif Ali Zardari, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka, isagoo sheegay in “xagjiriinta marin habaabay ay fulinayaan ajandaha Hindiya.” Dowladda Hindiya weli kama aysan falcelin eedeyntaasi.