Qarax Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Degmada Buula Burde Ee Gobalka Hiiraan

Faah-faahino dheeraad ay ayaa ka ka soo baxaya khasaraaha ka dhashay qarax miino oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha degmada Buula Barde ee gobalka Hiiraan kaas lala maaganaa in lagu qarxiyo diyaarad agab ciidan u dejinaysay Ciidamada Jabuutiyaanka ah ee ku sugan degmadaas.

Masuuliyiinka degmada ayaa sheegay in miinooyinka la soo saaray inta aysan qarxin,Gudoomiyaha Buula Barde Cabdi Daahir Guure ayaa sheegay ciidamada amaanku ay ku guulaysteen soo saarista Qaraxyadaan kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanku.

Dhinaca kalana Gudoomiyaha ayaa sheegay in Al-shabaab sidaan oo kale ay miinooyin ugu aasaan garoonka iyo miilaha ku dhow si ay ugu waxyeeleeyaan ciidamada ayuu yiri Gudoomiyuhu.