Qarax ka dhacay magaalada baladweyne.

Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay lagu qaaday goob ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla agagaarka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Shir-ganeeco oo hoostagta magaalada Beledweyne, waxaana lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah, gaar ahaan meel ay dhalinyaro ku caweyneysay.

Guddoomiyaha deegaanka qaraxa lagu wareeray oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday dhalinyaro, ayna ku noqdeen dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in aysan caddeyn karin cidda ka dambeysay weerarkaasi iyo sababta loo beegsaday dhalinyarada la qarxiyay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta howlgallo baaritaano ka wada ciidamada dowladda oo ku raad jooga shaqsiyaadkii ka dambeeyay weerarkaasi.