Qarax ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay dhabarka dambe ee Isbitaalka Erdogaan Ex-Digfeer degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka liagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya,kaas oo goobta marayay,balse la sheegay in wax khasaaro ah uusan kasoo gaarin Ciidamada.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in laba qof oo Shacab ah oo xilliga uu qaraxa dhacayay Goobta marayay inay dhaawacmeen,kuwaas oo la geeyay mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa Ay warbaahinta u sheegeen in qaraxa kadib ay Ciidamada fureen rasaas farabadan balse aysan cid waxba ku noqon,iyaga oo Ciidamada iska sii watay socodkoodii.