Qarax Kadhacay Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in qarax goordhow uu dhacay Magaladaas.

Dad  ku sugan Baladweyne ayaa waxa ay sheegeen in jugta qaraxa guud ahaan Magalada Baladweyne laga maqlay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan,waxaana welina la ogeyn waxa uu ahaa qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay.